QALALAASAHA KU SOOCUSBOONAADAY DEGMADA DIINSOOR

about images

QALALAASAHA KU SOOCUSBOONAADAY DEGMADA DIINSOOR

1

2024-05-05T13:22:22

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa sannadkii 2014-kii ka mid noqday shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddib markii la ansixiyay dastuurka KMG ah ee Federaalka sannadkii 2012, iyadoo caasimaddiisa rasmiga ah ay tahay Baraawe, balse uu maamulku si kumeel gaar ah ugu shaqeeyo magaalada Baydhawa. Tan iyo markii la unkay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay wajahaysaa dhibaatooyin dhowr ah; oo caqabad ku ah xoojinta dowlad dhiska deegaanka. Dhibaatooyinkaan waxaa ka mid ah dhaqaale xumo, xasilooni dari joogto ah oo siyaasadeed, muranno la xiriira habraaca doorasho, dhibaatooyin guud ee amni xumo ee iyo kuwo kooxaha xagjirka ah ay abuureen. Intaa waxaa sii dheer dhibaatooyin hor leh oo ka dhashay diiramaadka dunnida oo keenay isbedel cimilo taas oo saamayn wayn ku haaya degaanno tiro badan oo Koonfur Galbeed ka tirsan.

Arrimahan waxay caqabad joogto ah ku noqdeen dadaallada xoojinta maamul dowladeed iyo daadajinta maamul wanaagga, xoojinta sugidda amniga, iyo sare-u-qaadidda bixinta adeegyada aasaasiga ah.

Falanqeyntan ayaa, sidaas darteed, lagu eegayaa waxyaabaha salka ku haya colaadaha kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah deegaanada maamulka balse waxaa diirada lagu saaraya degmada Diinsoor oo ah ubucda isku dhacyadii ugu danbeeyay. Natiijooyinka ka soo baxay falanqayntani, waxay u ololaynaysaa habab dhinacyo badan leh oo lagu xallinayo khilaafka. Waxa ay xoogga saaraysaa sida ay lagama maarmaanka u tahay in la qaato hababka xallinta mashaakilka oo bulshada ka yimid, dib-u-habaynta garsoorka si kor loogu qaado isla-xisaabtanka, iyo in la xoojiyo awoodda hay’adaha dawladda si ay si firfircoon uga hadlaan sababaha khilaafka.

Hadaba, Machadka Cilmibaarista, Daraasaadka iyo Doodaha ee (IRAD) ayaa isku dayaya in uu daaraso ku sameeyo arrimahaaan is-biirsaday oo caqabadda ah si loo fahmo ubucda dhibaatooyinkaan, wuxuuna soo jeedinayaa in arrimaha lagu wajaho xoojinta kaalinta bulshada ka mid noqoshada talada degaankooda iyo kordhinta fahamkooda in xalka uu iyaga ku jiro.


Si aad uga bogato warbixinta oo dhamaystiran, fadlan guji halka hoose